Saraakiisha sarsare ee xisbiga talada haya ee dalka Koonfur Afrika ee ANC ayaa leh kulan saacado qaatay si ay isugu dayaan in ay go’aan ka gaadhaan mustaqbalka madaxwayne Jacob Zuma.

Waxaa la filayaa in saraakiisha ANC ay Zuma ka dalban doonaan in uu iscasilo. Madaxwaynaha Koonfur Afrika Mr Jacob Zuma ayaa wajahaya dacwado la xidhiidha musuqmaasuq.

Mr. Zuma ayaa horey dhagaha uga furaystay baaqyada ku aadan in uu iscasilo. Maalintii Axada ahayd ayaa hogaamiyaha cusub ee xisbiga ANC Cyril Ramaphosa waxa uu sheegay in arintan Zuma go’aan looga gaadhi doono kulanka xisbiga. Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ku baaqaya in sida ugu dhaqsiyaha badan uu xilka uga dago.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay