Wararka naga soo gaadhaya woqooyiga Gobolka Gonder ee dhulka Axmaarada ayaa sheegaya weerar culus oo khasaare loogu gaystay ciidanka dulmiga kucaan baxay ee gumaysiga Itoobiya.

Sida xogta aan kuhelayno ciidamada Jabhada Gimbot 7 ee udagaalama xoraynta dhulka xabashida ayaa weerar kuqaaday fadhiisin ay ciidanka wayaanuhu kuleeyihiin Dagmada Nigist ee Gobolka Gonder, halkaas oo ciidankii wayaanaha laga dhigay hal dhumay iyo hal dhaan raacay.

Weerarka ay ciidanka Jabhadu qaadeen oo dhacay galinkii dambe ee habeenimadii xalay ayaa lala beegsaday fadhiisin wayn oo ciidanka gumaysigu ay kawadeen dhaq dhaqaaq ciidan oo shacabka kadhan ah.

Warka ayaa intaas kudaraya in ciidanka wayaanaha goobta lagaga dilay 11 askari oo 7 kamid ah ay ahaayeen ciidanka lagu magacaabo argagixiso ladagaalanka halka 4 ta kalana laga dilay ciidanka Agaziga.

Sidoo kale waxaa isbitaalada waawayn ee Gobolka Axmaarada lagaadhsiiyay dhaawacyo kala duwan oo intooda badan ay dhakhaatiirtu sheegeen in ay halis yihiin.

Dhinaca kale waxaa goobta sinabad ah uga baxay ciidankii Jabhada Gimbot 7 ee weerarka qaaday waxaana lasheegayaa in ay furteen hub farabadan oo xerada ay weerareen ay kabililiqaysteen.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.