Afhayeenka Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeniya (JWXO) oo waraysi siiyay Idaacada Raido Goobjoog ayaa sheegay in hadalka madaxweyne Farmaajo ee ahaa inuu raacsan yahay go’aankii baarlamaanku ka qaateen dhiibista Qalbi Dhagax uusan ku soo beegmin waqtigiisa.

Afhayeenka jabhada ONLF Halgame Cabdulqaadir Xasan Hirmooge oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog ayaa sheegay in dhiibista Halgame Naftiihure Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) laga joogo muddo dhan Lix Bil islamarkaana madaxweynaha uusan ka hadlin intaas.

Waxa uu sheegay in dhiibista Qalbi Dhagax oo dowladdu ay ku wareejisay Gumaysiga Itoobiya bishii August ee sanadkii la soo dhaafay ay ka dambeeyeen madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha iyo taliyihii hore ee hay’adda nabad sugidda Soomaaliya Sanbaloolshe.

Hoos ka waraysiga Cadaani Hirmooge Afhayeenka JWXO.

ONA.

      1. 120102_014 - My Recording
 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay