Wararka naga soo gaadhaya wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in maalin nimadii shalay xabsiga laga siidaayay lix nin oo ahaa siyaasiyiin caan ah, kuwaas oo udhashay qoomiyada bahdilka badan lagu sameeyo ee Oromada.

Sida xogta aan kuhelayno xukuumada wayaanaha ayaa siidaysay 6 siyaasi oo katirsanaa xisbiga mucaaradka ah ee OFC, waxaana dadka lasiidaayay kamid ahaa ninka ay bulshada Oromadu sida wayn uga mudaharaaday ee Bakale Gerba.

Warka ayaa intaas kudaraya in siyaasiyiintan udhalatay qoomiyada Oromada si aan horay loo arag loogu bahdilay xabsigii dheeraa ee lagu hayay, waxaana lasoo tabinayaa in ay xabsiga kasoo qaadeen xanuuno kala duwan oo aysan horaan uqabin.

Dadka shacabka ah ee Oromada iyo xisbigoodii OFC ayaa siwayn usoo dhaweeyay siidaynta siyaasiyiinta, inkasta oo dadwaynuhu ay aad uga xumaadeen shuruudaha lagu xidhay siidayntooda iyagoo sida lasheegayo lagu qasbay in ay sixiixaan waraaq ay kuqiranayaan dambi yadooda.

Kooxda TPLF ayaa siidaynta siyaasiyiinta uga dan leh in ay kudajiyaan shacabka Oromada ee mudada dheer kacsan taas oo aan lafilaynin in ay dhacdo, waxayna shacabku higsanayaan wax kawayn qof lasiidaayay oo ah xoriyad.

Dhinaca kale magaalada Bishuft oo magaalada Addis Ababa ujirta 25 KM waxaa maalin nimadii shalay ilaa xalay kadhacay kacdoono aad uwaawayn oo lagu diidan yahay taliska sharci darada kudhisan ee wayaanaha.

Kacdoon wadayaasha ayaa lasheegayaa in ay xidheen dhamaan wadooyinka waawayn ee soogala magaalada Addis Abab, iyagoo gubaya gaadiidka taliska wayaanaha.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay