Helida sababta cudurka ayaa ah bilowga dawadiisa, hadaba si dhalinyaradu u qaado masuuliyad umadeed ayaa daruuri ka dhigaysa inuu xoroobo maanku.

Muhiimada koowaad ayaa ah inay dhalinyaradu yeeshaan Hami umadeed oo dhinac walba ah waana in la helaa diyaarsanaanta da’yarta oo ka xor ah (U dabranaanta Caadifada naftooda, sumada Qabiilkooda iyo saamaynta dibadeed).

Waxaan garaadka u gaaxshay si aan u godliyo garashada hodanka ah ee aan ku tabayo waxbadan oo inaga maqan, gujo gujayntu ma’aha maskax gaagixin ee aynu ku dhiirano inaynu wadaagno weelaynta iyo weedhaaminta aqoonta hibada ah ee ku kaydsan laabteena, si geedigeenu u noqdo mid sahmin, sooyaal iyo saadaal fiican leh, suurtogaliyana mar labaad rarida hayaan sugan oo leh xikmadii dhaxalkii awoowyaasheen.

Maqnaanshaha ama ogaansho la’aanta xaqiiqooyinka mugdigu ku jiro ayaan saamaxaynin in loo xoroobo qof ahaan, qoys ahaan iyo qaran ahaanba, hadiise qofnimadu ay ku waarto mooganaanta, macno samayn mayso horumarka qoyska iyo qarankuba kali ahaantood, hadaanse nolosha cashir laga baranaynin sow umadu taagnaan mayso gagi cidlo ah.

Taasi waa helida maskax ku dhiirata daahfurka dadaal iyo karti cusub oo qalbi furan ku qaabisha shaqsi kasta oo bineeya aragti dihin oo umada u dhaqaajin kara meel naq iyo nabaad xoriyadeed leh, ha ahaato farsamo horleh, fikir curineed iyo falsafad siyaasadeed oo qaydka ka fayda mugdiga si loogu baxo iftiinka rasmiga ah ee xoriyada

Maqaalkani ma’aha aqoon raadis qotodheer oo helay curin maskaxeed hufan, waase erayo fudud oo xambaarsan waayaheena nololeed ee u baahan ku dhiirashada jihaynta cusub ee jidka u xaadhaysa rajo mustaqbal oo cad Isha Allaah.

 

By Liban Miyir Abdi (Kulmiye)

 

Liibanabdi29@gmail.com

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.