Nin Carab ah oo reer miyi ah ayaa la weydiiyay inuu keeno daliil muujinaya inuu Ilaahay jiro. Markaasuu isagoo kaashanaya khibradii uu nolosha ka kasbaday yidhi; Saalada waxay daliil u tahay inuu geel dhigay, raadkana qofkii meesha maray, cirkan xidigaha leh, iyo dhulkan buuraha iyo wadooyinka leh miyaanu muujinaynin inuu abuuray Ilaahay wax maqla oo wax arka.

سئل أعرابي دليل عن وجود الخالق سبحانه وتعالى، فأجاب بفطرته ومن وحي بيئته المحيطة: البعرة تدل على البعير، والأثر يدل على المسير، فكيف بسماء ذات أبراج وأرض ذات فجاج، ألا يدل ذلك على السميع البصير؟!

 

Sidoo kale tasarufaadka xukuumadda gumaysiga Itobiya iyo dabadhilifyada uga adeega Jigjiga miyaanay daliil u ahayn awooda ay leedahay ONLF xag siyaasad iyo ciidanba, oon loo daliishan karin heerka uu gaadhsiisan yahay taageerada shacabka Somaliyeed ee Ogadenya ay u hayaan jabhadda?   

Dalalkii Carabta ee kacdoonada ay ka dheceen, sida Tunis, Masar, Libiya, waxaan ogsoonahay in sanad ka hor ay ahaayeen wadamo ay ka muuqato xasilooni u dhiganta midda qubuuraha oo shacabka dalalkaa markay arkaan madaxdii laga eryay xukunka ay isu taagaan una mashxaradaan. Xusni Mubaarak ayaa maalin la weydiiyay; siday ku dhici kartaa in 99% uu shacabka u codeeyo madaxtinimadaada. Jawaabtii uu bixiyay waxay ahayd; “Waxaan baadhaynaa sababta ay 1% ka hadhay ii diideen”.

Waxaan aragnaa waxa ka socda dalka Suuriya. Shacabka Suuriya markay dalbadeen inay la mid noqdaan walaalahooda ka xoroobay kali-talisnimada iyo cadaalad darada, waxaa loogu jawaabay xabsi iyo jidh-dil waxashinima ah iyo layn aabayeel la’aan ah. Sanad ka hor kamajirin dalka Suuriya oo wuxuu ahaa dal shacabka ku nool qofkii soo hadal qaada Bashaar Assad oo hareerahiisa fiiryo. Waxay hal-ku-dhig u qaateen – الموت ولا المذلة – Dhimasho ayaan ka dooranay dullinimo. Hadaba dhibaatada lagu hayo shacabka ee ah dilka, xabsiga iyo cunaqabataynta, sow daliil uma aha inay diideen adoonsigii horey u saarnaa ee kooxda yaree calawiyiinta ah ay ku hayeen?

Nabadda iyo xasiloonida uu doonayo qofka wax adoonsanaya waa dullinimada qofka la adoonsado. Ereyada u noqday halku-dhigyada dadka xoriyadda jecel waxaa ka mid ah odhaahdii uu yidhi ninkii ku dhiirigaliyay shacabka Mareykanka inay xoriyadooda ka qaataan xukunkii boqortooyada Ingriiska. Wuxuu yidhi Mr Patrick Henery; Give me Liberty, or Give me Death – Xoriyadayda i sii ama i dil aan Dhintee. Wuxuu ka khudbaynayay meel ay ku tashanayeen odayaashii u kacay xoriyadda shacabka Mareykanka oo qaarkood ay markii dambe ka noqdeen madaxweyne sida madaxweynihii ugu horeeyay dalka Mareykanka George Washington. Dadkii isugu yimid goobta waxay dhamaantood ku dhawaaqeen iyagoo u dareeray halgan – Give me Liberty, or Give me Death.-

Arintu waa sidaa. Inaad ogolaato dullinimo oo lagu daayo iyo inaad xoriyad dalbato ood u diyaar garowdo dagaal iyo dhimasho.  

Waxaa la ogaaday in haduu dal xasiloon yahay oo shacabka iyo xukuumadda ay ku wada joogaan nabadgalyo iyo hogaansanaan, ay tahay sababta keeni karta laba mid un. In dalkaasi uu ka jiro nidaam siyaasi ah oo lagu heshiiyay iyo sharci loo siman yahay loona wada hogaansan yahay ama inuu yahay dal lagu xukumo xoog oo shacabka ay ku jiraan argagax iyo cabsi joogta ah. Sidoo kale inuu shacab la gumaysto ogolaaday gunnimadii oo dareenkii aadminimo uu ka dhintay iyo inuu ka dhiidhinayo oo halgan gobanimadoon uu wado waxaa lagu ogaadaa xidhiidhka ka dhexeeya shacabka iyo gumaysiga.

Waxyaabaha muujinaya ee daliilka u ah inuu shacabka halgamayo waxaa ka mid ah; in xabsiyada ay ka buuxaan dad da’walba leh oo loo haysto tuhun ah waxay taageeraan ururka halgamaya, in shacabka si aabayeel la’aan ah loogu gumaado waxay taageereen ururkaa, in maleesiya calooshood u sahqaystayaal ah shacabka laga dhex qorto oo la siiyo amarka ah laaya shacabka, oo madaxtinimada shacabka uu gumaysiga u xulo hab ah yaa dadka si naxariisdara ah u laaya. Arimahaasoo idil waa waxyaabaha uu ku hayo shacabka masaakiinta ah Calooshii la ciyaarka Cabdi iley, waxayna daliil u yihiin awoodda ururka iyo inuu shacabka Ogadenya ku jiro halgan gobanimadoon. Waxaa afkiisa laga xaqiijiyay Cabdi iley inuu yidhi Itobiya ujeedadaa umbay ii haysataa. Sababtoo ah aqoon iyo caqli iyo akhlaaq toona ma leh dhaafsan inuu kolba dad shacab ah intuu soo laayo yidhaahdo waxaan soo dilay UBO. Shabakadaha gumaysiga Itobiya u hogaansan (RJ), hasa ahaatee diidan tasarufaadka Cabdi iley ayaa waxaa ka mid ahaa maqaal ay qortay; Shaqsi dadkii intuu sidan u galo, oo misana garaado ku raadsanaya oo ina Iley ka xun ma haysaan?, Waxaa laga yaabaa inuu is leeyahay tusi dawlada Itoobiya, sidaad wax yeeli kartid, balse runtii, dawlad sheeganeysa inuu u shaqeeyo magac xumo aad u weyn buu u keenay ..

Ugu dambayn, qofka shaki uu kaga jiro awooda ciidan ama siyaasadeed ee ONLF, hala socdo tasarufaadka gumaysiga iyo dhibaatada uu ku hayo shacabka S.Ogadenya. Lacag kor u dhaafaysa 500 Million oo Doolarka Mareykanka ah ayuu gumaysiga ku bixiyaa sanad walba dacaayadda ONLF iyo brobagaandada ka socota Jigjiga ee kolba koox inta la keeno qandaraas ku qaata inay duubaan hadalo aanay caruurta Ogadenya xataa rumaysan karin.

                                                                                 Ma aha Ugaas B. Shiil ama Qararaf midka odhan kara nabad iyo horumar ayaa ka jirta Ogadenya. Arinta inay sidaa tahay waxaa ka warami kara haya’daha caalamiga ah oo loo fasaxo dalka inay six or ah u dhex maraan iyo saxafiyiinta caalamiga ah oo diyarka u ah inay si dhex-dhexaadnimo ah ay uga soo waramaan oo loo fasaxo inay galaan dalka.

ONA.         

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay