Wararka naga soo gaadhaya wadanka gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in xukuumada gumaysigu ay jeelasha kasii daysay qaar kamid ah dadkii xaq darada ugu xidhxidhnaa oo siyaasiyiin iyo shacab isugu jira.

Sida xogta aan kuhelayno xukuumada wayaanaha ayaa siidaysay Andualme Arige oo ahaa hogaamiyihii xisbiga Amdener Paty iyo waliba wariye caan ah oo lagu magacaabo Eskandar Nega, sidoo kale taliska wayaanaha ayaa siidaayay dad kale oo shacab ah oo mudo badan maxkamad la’aan xidhnaa.

Dadkan maxaabiista ahaa ayaa intooda badan laga siidaayay xabsiga Qalite waxayna maxaabiistu si midaysan usheegeen in ay xabsiga Qalite ku muteen dhibaatooyin kala duwan oo ay kasheekayn doonaan.

Dhinaca kale ururada bulshada ayaa soo dhaweeyay dadka lasiidaayay iyagoo sheegay in dadka xabsiyada ku xidh xidhan in ay aad uga badan yihiin inta yar ee lagu mana sheeganayo ee saxaafada looban dhigayo siidayntooda.

Sidoo kale shacabka kudhaqan magaalada Addis Ababa oo arintan kahadlay ayaa sheegay in aykacdoonada siiwadi doonaan inta ay cadaalad daradu jirta xataa hadii hal qof ah uusan xabsiyada kujirin.

Dhinaca kale siyaasiga caanka ah ee udhashay qoomiyada Oromada Bakale Girba oo saxaafada lahadlay ayaa sheegay in siidayntiisu ay ku timid cadaadis ay shacabkiisu saareen xukuumada gumaysiga, isagoo sheegay in loobaahan yahay cadaadiska noocaas ah si dadka dhibka looga dhaafo.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay