Madaxweynaha Koonfur Afrika, Jacob Zuma, ayaa xilka iska casilay kaddib maalmo uu haystay caddaadis ballaadhan oo uga imanayay xubnaha xisbigiisa ANC ee talada dalka haya.

Madaxweyne Zuma ayaa bartamaha kaga jiray fadeexad musuq maasuq, mar uu Arbacadii ka hadlay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan dalkaasi ayaa waxa uu sheegay in uusan sameynin wax khalad ah, ayna jirin sabab uu xilka uga dego.

Xisbiga ANC ayaa horay u sheegay in haddii Mr Zuma uu ku guuldarreysto inuu iskii isaga dhiibo xilka si khasab ah xafiiska looga saari doono oo baarlamaanka uu maalinta Khamiista ah u qaadi doono in lagala laabto codka kalsoonida.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay