Waxaa kulan koodii bilaha ahaa isugu yimaaday jaaliyada Ogadeniya ee Waqooyi bari kenya faraca Barsan ee magaalada Gaarisa shirkan ayaa waxaa kaso qayb galay dhamaan xubnaha jaaliyada Ogaadeniya ee Gaarisa, shirkan ayaa sidii caadada inoo ahayd waxaa lagu fur furay wacdi diini ah iyo aayado quraanka karimka ah.

Shirka ayaa waxaa furay gudoomiyaha Jaaliyada Ogaadeniya Mudane Sheekh Nuur Ahmed wuxuuna ka jeediyay qud bad aad u qiimo badan oo uu kaga hadlay xaalada & marxalada siyaasiga ah ee ururka sidoo kale wuxuu gudoomiyuhu ka hadlay bur burka gumaysiga Itoobiya iyo inay shacabka somaalida Ogaadeniya maanta u diyaar garoobaan sidii ay u hanan lahaayeen dhulkooda cadawgana isaga xorayn lahaayeen.

Shirka ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay qaar badan oo kamid ah xubnihii kasoo qayb galay waxa kale oo ka hadlay qaar kamida ururka haweenka Ogaadeniya oo cabiray aragtidooda ku aadan xaalada gumaysiga Iyagoo ugu baaqay dhankooda shacabku inoo isku doob naado cadawgana ka tashaluso.

Shirka ayaa wuxuu gaba gabadii kusoo dhamaaday si guul ah waxaana waxaana lagu balamay in lasii xoojiyo dagaalka iyo halganka lagula jiro gumaysiga Itoobiya.

ONA/Gaarisa.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay