Wakiilka gumaysiga Itoobiya uqaabilsan Gobolka Oromada Lama Magarsa oo saxaafada lahadlay ayaa sheegay in aan la aqbali karin xukum mulatari oo mar sadexaad lagu soo rogo wadanka gumaysiga Itoobiya.

Lama Magarsa ayaa maanta warfidiyeenka usheegay in aysan macquul ahayn xukun dag dag ah oo kale oo wadanka lagaliyo kaas oo sida uusheegay keeni doono cawaaqib xun oo aan laga soo waaqsanin ama aan laxalin doonin.

Lama Magarsa oo hadalkiisa siiwatay ayaa sheegay in uu baarlamaanka wadanka ka filayo in ay is hortaagi doonaan go’aankan khadhaadh ee kasoo baxay golaha wasiirada ee xukuumada wayaanaha.

Hadalkan kasoo yeedhay madaxwayne kusheega Gobolka Oromada ayaa muujinaya kala qaybsanaanta udhaxaysa kooxda EPRDF oo 27dii sano ee lasoo dhaafay heshiis ku ahaa gumaadka shacabka iyo boobka hantida umada.

Lama Magarsa ayaa ah shakhsi taageero wayn kahaysta qoomiyada uu kadhashay ee Oromada gaar ahaa dhalinyarada qoomiyada oo ah kuwa ugu badan ee kacdoonada wayaanaha lagu diidan yahay kawada gudaha Oromai.

Xukuumada gumaysiga Itoobiya ayaa umuuqata mid gashay dagaal aysan kasoo kaban doonin, waxaana lasaadaalinayaa in hadalka Lama Magarsa uu wax badan kabadali doono qabka kooxda TPLF.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay