Waxaa isasoo taraya wadamada muwaadiniintooda uga digaya in ay usafraan wadanka uu qalalaasuhu kajiro ee Itoobiya, kuwaas oo digniino isdaba joog ah usoo jeedinaya muwaadiniintooda Itoobiya kusugan iyo kuwa doonaya in ay usafraan.

Maalin nimadii Shalay oo Sabti ahayd waxaa si iskumid ah muwaadiniintooda ugu digay dowladaha Canada iyo Ingiriiska, kuwaas oo sheegay in ay dadkooda uga digayaan aaditaanka wadanka khalkhalka galay ee Itoobiya.

Sidoo kale dowladaha Canada iyo Ingiriiska ayaa sheegay in ay taxadar sameeyaan dadkooda kusugan gudaha wadanka Itoobiya, iyagoo kula dardaarmay in ay si dhakhso ah uga soo baxaan wadanka Itoobiya.

Dowladahan digniinta soosaaray ayaa safaaradahooda Itoobiya ka codsaday in ay si dhaw ula socdaan dhaq dhaqaaqa muwaadiniintooda kusugan wadanka ay fowdadu ka bilaabatay ee gumaysiga Itoobiya.

Sidii aan maalin nimadii shalay idiin soo gudbinay waxaa digniin culus dadkooda usoo jeedisay dowlada Maraykanka, waxayna dowladu sheegtay in muwaadiniinta Maraykanka ah looga baahan yahay in ay joojiyaan safarka Itoobiya iyo waliba joogitaanka wadanka Itoobiya.

Dhinaca kale safaarada dowlada Maraykanka ee magaalada Addis Ababa ayaa sheegtay in ay dowlada Maraykanku aad uga soo horjeedo xukunka dag daga ah ee xukuumada wayaanuhu ay wadanka kusoo rogtay mudo 6 bilood ah.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay