Safaarada maraykanku ku lee yahay magaalada Adiss Ababa ee gumaysiga Itoobiya ayaa ka hortimid go’aanka gumaysiga Itoobiya ee ku saabsan kuxunka dag daga ah.

Safaarada maraykanka ayaa sheegtay inay si adag ugu khilaafsan tahay go’anka xukuumada Woyaanaha ee xukunka dag daga ah ee kasoo horjeeda xuquuqda aas aasiga ah ee banii aadmi nimo Sida isu imaatinka dadwaynaha, Aragti dhiibashada & nabada ah.

Sidoo kale safaarada maraykanka ayaa sheegtay inay dareemayso khatarta uu woyaanuhu ku sugan yahay iyo inay dhacaan rabshado sababi kara khasaare hanti iyo mid nafeedba dhanka kale qoraalka safaarada kasoo baxay ayaa waxaa carabka lagu adkeeyay  inay aaminsan tahay waliba si dhab ah in jawaabta dowladu bixin lahayd ay tahay in dadka la siiyo xoriyad intan ka badan ee maaha bay tiri in taas dhinaceeda laga qaado xoriyada.

Iskusoo wada duuboo hadalka safarada maraykanka ayaa dhabar jabwayn kunoqday xukuumada wayaanaha oo markii horaba iyadu isku dhaganayd marka lagasoo tago shacabka ku hoos nool xukuumada woyaanaha oo raba inay ka xoroobaan gumaysiga Woyaanaha.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay