Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani oo ka qeyb galaya shirka Amniga looga hadlayo ee ka socda Munich/Germany, ayaa sheegay in xiisada Khaliijka ay tahay mid ay abuureen xulafada Sacuudiga oo uu sheegay in ay khatar ku keeni doonto amniga iyo dhaqaalaha Gobalka.

Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa sidoo kale sheegay in Sacuudiga uu culeys weyn saaray dalalka uu deeqda siiyo si uu ku cadaadiyo in ay qaataan siyaasadooda ku aadan xayiraada ay saareen Qatar.

Kooxaha duulaanka ah (Isbaheysiga Sacuudiga, UAE, Egpyt & Baxreyn) waxay doonayaan in dalalka saboolka ah iyo kuwa yar yar ay u adeegsadaan siyaasadooda qalafsan ee kala qeybinta iyo awood raadinta ku saleysan ayuu yidhi hogaamiyaha Qatar oo Jimcihii ka hadlayey shirka maalintii sadexaad ka socda magaalada Munich ee dalka Germany.

Amiirka Qatar ayaa intaasi ku daray in ay ku guuleysteen in ay iska difaacaan duulaanka dhaqaale iyo siyaasadeed ee lagu soo qaaday, isla markaana sameysteen xidhiidho cusub oo ganacsi oo ay uga soo kabtaan khasaarihii ay la damacsanaayeen Sacuudiga iyo xulafadooda.

Inkastoo Amiirka Qatar uusan magacaabin dalalka Sacuudiga uu culeyska saaray ee uu ku sheegay wadamada saboolka ah iyo kuwa yaryar ee gobalka, ayaa waxaa hadana horey u jirey in dalka Soomaaliya kamid noqday wadamada go’aanka dhex dhexaad ah ka qaatay xiisada Khaliijka oo uu culeyska uga yimid Sacuudiga.

Waxaa sidoo kale la sheegaa in Dowlada Qatar ay iyadu lafteeda culeys ku saartay xukuumada Federaalka Soomaaliya inaysan la safan Sacuudiga iyadoo u balanqaaday dhaqaale iyo mashaariic.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay