Jaaliyada JABSO oo Shir soo dhawayna uqabatay Waftigii Wadahadalka ONLF.

Sidaad war hordhaca ah kula socoteenba waxaa maanta Magaalada Nairobi kadhacay Shir aad u heer sareeya oo lagu soo dhawaynayay Madaxdii JWXO uga qaybgashay Wadahadalkii udhexeeyay ONLF & Ethiopia ee maalmahihii lasoo dhaafay kusoo Afjarmay Nairobi.

Kulankan ayay Jaaliyada Afrikada Bari ee Soomaalida Ogaadeenya uqabatay inay kusoo dhawayso Waftiga JWXO u matalayay Wadahadalka ayaa waxaa Daadihiye ka ahaa Wariyaha Caanka ah Naftiihure Cabdinuur Sheekh Maxamed wuxuuna Daahiyuhu ugu horaynba kusoo dhaweeyay Sheekh Maxamuud Axmed Caafi (Duceeye) oo Wacdi qiimo badan soo jeediyay, kadibna waxaa hadalka lasiiyey Gud. JABSO oo kasoo Qaybgaleyaasha Shirka & Madaxdii Ururkaba soo dhaweeyay.

Intaas kadib wuxuu daadihiyuhu uyeedhay Xeer ilaaliyaha Guud ee JWXO oo isagu mid mid ugu soo dhaweeyey Microphone ka Waftigii Kulanka loo qabtay ee Wadahadalka wuxuuna ugu horaynba uyeedhay; Xoghayaha Guud ee Golaha dhexe ee JWXO Mudane Sh. Maxamed Cabdi Yaasiin (Diirane) oo Qudbad Dhaxal lagu diirsaday soo jeediyey isagoo sheegay in xiligan loobaahan yahay in Gacmaha la isqabsado loona dhaqaaqo sidii la isaga dulqaadi lahaa heeryada Gumaysiga.

Kadibna waxaa isna lagu soo dhaweeyey Hogaanka Arimaha Dibada & Dublamaasiyada JWXO Halgame Abdirahman Sheekh Mahdi (Maadey) oo ahaa Gudoomiyaha Gudiga Wadahadalka ONLF wuxuuna Mudanuhu soo jeediyey Qudbad Qiiro leh oo dhinacyo badan taabanaysa wuxuuna yidhi Dadwaynaha Ogadenya waa inay ogaadaan in Masiirkooda aysan Cid gaar ahi Go’aan kagaadhi karin ay Mabaadi’i lama taabtaan ah tahay in Shacabku aayihiisa katashado waxaana leeyahay buu yidhi waan Bulshadu mid xun & mid fiicanba jid mida qabsadaan si ay ugaadhaan Rabitaankooda oo ah mid Muqadas ah waxaa kale oo Mas’uulka hadaladiisii kamid ahaa in Qadiyada Ogadenya gaadhay Daafaha Dunida oo idil uuna hada Caalamku wada ogyahay in Shacabka Ogadenya ay Gumaysi kujiraan oo dulmi aad uwayn lagu hayo lagana gardaran yahay, ugudanbayntiina wuxuu Dadwaynaha faray in Qof waliba u istaago sidii uu Lafihiisa & Ummadiisaba Gumaysiga uga saari lahaa, waxaa kale oo uu kawarbixiyay Wadahadalkii dhawaan Nairobi kadhacay.

Sidoo kale waxaa iyadna lagu soo dhaweeyay Hogaanka Dhaqaalaha JWXO Drs’ Ciibaado Xirsi Mahad oo iyadna Kalmado Shucuurta dadka kiciyay soo jeedisay iyadoo amaantay salaana udirtay Ciidanka Qalabka sida ee Jiida hore kujira Caruurtooda & Xaasaskoodaba waxayna sheegtay in dalka Hooyo uu ubaahan yahay in loo wada istaago soo dhicintiisa waxaa kale oo ay Drs Cibaado amaantay Jaaliyada JABSO oo ay Sheegtay inay hayso Shaqo badan oo muhiim ah.

Intaas kadib waxaa lagu soo dhaweeyay Halgame Sulub Cabdi Axmed oo si waafiya uga hadlay hadlay Hawlaha Halgabka wuxuuna bogaadiyay Hawlwadeenka JWXO ee dal & dibadba sida Hagar la’aanta ah uga wada Halganka Xaqa ah ee ay JWXO hormuudka katahay.

Dhanka kale waxaa jirtay Marti Sharaf kale oo Qudbado kala duwan soo jeediyay, Halka aysan meesha kamaqnayn kaalimihii Siugaanta oo lasoo jeediyay Gabayo, Heeso & dhaantooyin Wadaniya oo aad loo dhacay.

Ugudanbayntii waxaa Shirka soo xidhay Gudoomiyaha Jaaliyada waxaana lagu kala dheelmaday Jawi dagan oo farxadi kudheehan tahay & Guul wayn oo Halganka usoo Hoyatay.

Daacad Maxamed.
ONA/Nairobi.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay