1. Dhacdooyinka Ugu Dambeeyay!:

October 2016 Lemma Megersa waxaa loo doortay hogaanka OPDO/EPRDF & Gobolka Oromada. Welega Lemma Megersa waa Christian (Protestant) ka soo jeeda Galbeedka Oromada (Bariga Welega Zone) oo ah inta badan meesha uu Xeyle Salase ka qoran jiran ciidanka circa. Lemma Megersa wuxuu badalay Muktar Kedir oo ka soo jeeda Galbeedka Oromada (Jimma Zone). Labadan nin waxay la mid yihiin madaxda Oromada oo aan la xaqiijin Karin dhaladkooda asal ahaan inay Oromo yihiin & inay soo dhex-galeen Oromo. Xabashida & Oromada waxaa la yaqaanaa hooyada, aabaha lama yaqaan!!

Dhowr bilood kadib maamulk OPDO/EPRDF ee loo doortay inay xasuuqaan Oromada wuxuu isu badalay dhanka kale. Madaxda OPDO/EPRDF Abadula Gemeda ( Speaker of the House of Peoples’ Representatives), Lemma Megersa (president of Oromia region & head of OPDO), Abiy Ahmed (Head of OPDO Central Office), Negeri Lencho (Minister of Government Communications Affairs Office), iyo kuwo kale Abadula Lemma Megersa waxay hoos galeen OLF & Jowhar (QEERROO militia). Oromadu waxay aaminsan tahay inuu Jowhar yahay madaxa malayshiyada QEERROO oo ka dambeysay xasuuqa shucuubta aan Oromo ahayn.

14.02.2018 Tigraygu waxay qoreen hadalkan (EPRDF has no choice but to declare state of emergency in Ethiopia) oo ah EPRDF waxay ku dhawaaqi xaalad degdeg ah oo dalka lagu soo rogaa.

15.02.2018 Prime Minister Hailemariam Desalegn wuxuu sheegay in uu iscasilay waxaana ugu muhiimsanaa wuxuu sheegay “Unrest & political crisis have led to the loss of lives & displacement of many “qalalaasaha & dhibaatooyin siyaasadeed waxay sababeen dhimashada nolosha iyo barakaca dad badan” waxaa muuqata inuu sas ka qaaday 600 Soomaali ah oo ay Ciidamada Itoobiya OPDO/EPRDF Paramilitary Forces (Oromo Liyu Hail and QEERROO Militia) ku xasuuqeen East & West Hararghe Oromia region. Xisbiga dalka xukuma EPRDF (Ethiopia Peoples’ Revolutionary Democratic Front) wuxuu sheegay inuu aqbalay iscasilaada Prime Minister Hailemariam Desalegn .

16.02.2018 Golaha Wasiirada (Council of Ministers) wuxuu ku dhawaaqay Bandow (state of emergency) lix bilood ah.

12.09.2017 Ciidamada Itoobiya OPDO/EPRDF Paramilitary Forces (Oromo Liyu Hail and QEERROO Militia) ayaa magaalada Hawaday ku xasquuqay shacab Soomaali ah oo gaadhaya boqon ruux / qof, badankood ahaayeen wakiilada shirkadaha ka ganacsada Qaadka. Dadkaa waxaa loo xasuuqay heyb ahaan (waxaad tihiin Soomaali), waxna looma qabanin

15.12.2017 Ciidamada Itoobiya OPDO/EPRDF Paramilitary Forces (Oromo Liyu Hail and QEERROO Militia) ayaa dhulka Balbaleyti ku xasuuqay shacab Soomaali ah oo kabadan 300 ruux / qof, waxaana ku jiray caruur, haween, waayeel iyo dad naafa ah.

16.12.2017 Goobta xasuuqu ka dhacay waxaa tagay madaxda dalka ugu sareysa (Defence Minister, Siraj Fegesa, the Attorney-General, Getachew Ambaye, the Minister of Federal Affairs, Kebede Chane, the Chief Commissioner of the Ethiopian Human Rights Commission, Addisu Gebre-egziabher, the Commissioner General of the Federal Police, Abiyu Assefa, and the deputy head of the Secretariat of Oromia’s ruling party OPDO/EPRDF, Birhanu Tsegaye) waxayna indhahooda ku arkeen xasuuqa waxshnimoda leh ee dadkaa lagu laayay xafiisyada dowlada. Waxaa kale ooy arkeen laba god ama xabaalood oo lagu qariyay meydka dad kabadan 48 qof / ruux oo Soomaali ah.

16.12.2017 gudigu wuxuu warbixin xaqiiqada ku saleysan iyo waxa goobtaa ka dhacay u gudbiyay Prime Minister Hailemariam Desalegn, laakiin waxba lagama qabanin, cid iswaydiisayna majirto xasuuqa baaxadaas leh.

17.12.2017 Prime Minister Hailemariam Desalegn wuxuu ka sheegay TV-ga qaranka inuu halkaa ka dhacay xasuuq-wadareed, in gudi xaqiiqa raadin iyo baadhintaan la sameeyay, in kuwii falkaa geystay la keeni doono maxkamad.

18.12. 2017 Oromia region president Lema Magersa iyo OPDO ayaa soo saaray qoraal (statement) ay ku dafirayaan xasuuqa dhacay, waxaa kal ooy sheegeen inaynan dowlada dhexe awood u lahayn inay wafdi u dirto halkaa ayadoon amar ka haysan Oromo region!

Tigray waxay isku dayeen inuu Prime Minister Hailemariam Desalegn soo saaro ama qaado talaabo xasuuqaa dhacay wuuse ku seexday wixii amar ahaana hoosta ayuu gashaday ilaa uu madaxa sirdoonka qaranku qasab kaga sixiixo waraaq. Prime Minister Hailemariam Desalegn ayaa sheegay in lagu qasbay inuu saxiixo waraaqdaaa. Lama hayo tafaasiil wixii ku qoraa waraaqda waxaase ugu muhiimsan in meel la saaro dambiilayaasha EPRDF/OPDO ee xasuuqay Somalida.

Arinka xasuuqa Somalida wuxuu EPRDF u kala qaybiyay sadex qabiil (Axmaaro & Oromo isku dhinac ah, & Tigray oo dhinac ah), waxaana meesha ka baxay qabiilkii 4aad oo ahaa macmal (Debuub ama Koonfur). Tigraygu wuxuu ku doodayaa in dadkii xasuuqay Somalida maxkamad la geeyo, meesha Oromo & Axmaaro ku doodayaan arinkaa inaan laga hadal ama idinkuba dad ayaad xasuuqdeen.

Lasoco Qaybta 2aad ee Warbixinta ku saabsan xaalada Itoobiya.

W/Q: Hure Jeefad

Qoraa Madax Banaan.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.