Waxaa habeenimadii xalay ahayd shir dhinaca khadka isgaadhsiinta ah uqabsoomay gudi gaar ah oo katirsan isbahaysiga PAFD ee ay ku midaysan yihiin afarta urur ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia ay kamid ka tahay.

Kulanka xalay oo saacado badan socday ayaa lagu qaadaa dhigayay qaabkii looqaban lahaa shirwaynaha ladoonayo in uu kadhaco magaalada London, kaas oo lagu wado in uuqabsoomo 24 ka bishan.

Kulankan London kadhici doona oo aad ubalaadhan waxaa qaban qaabadiisa iyo qorshayntiisa lahaa isbahaysiga PAFD, waxaana lagu casuumay ururo aadubadan oo dunida kajira iyo dad caan ah oo laxushmeeyo.

Sidoo kale waxaa shirka lagu casuumay ururada xuquuqul insaanka, siyaasiyiin, ururada bulsha iyo waliba dad kale oo miisaan leh.

Uruka PAFD oo kakooban 5 urur o taliska wayaanaha ladagaalama waxaa kamid ah ONLF ururka Oromada Ururuka Sidama, ururka Gambella iyo waliba ururka qoomiyada Binishangul ka.

Shirwaynaha London ayaa lagu wadaa in lagaga hadlo xaaladaha murugsan ee Itoobiya iyo guud ahaan isbadalka kusoo fool leh geeska Africa, waxaana lagu dajin doonaa qorshayaasha isbahaysiga ee wakhtiyada soo socda.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay