Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa Xukun dil Toogasha ah ku xukuntay G/sare CabdiNaasir Xoosh oo ka tirsanaa ciidamada Badda Soomaaliya.

Waxaa lagu eedeeyay in uu dil bareer ah u geystay Taliye ku xigeenkii hore ee Ciidamada Badda Sareeyo Guutto Siciid Aadan Yuusuf Mariino.

Maxkamadd ayaa horay u dhageysatay kiiska waxaana ugu dambeyntii ay maanta ku xukuntay dil toogasho ah.

Gudoomiyaha maxkamadda darajadda koowaad Ciidamada Qalabka Sida Xassan Cali Nuur Shuute ayaa warbaahinta u aqriyay xukunka lagu riday Gaashaanle Sare C/naasir Xoosh .

Gaashaanle Sare Cabdinaasir Xoosh oo ka tirsan ciidamada Badda Soomaaliya ayaa Saciid Mariino taliye ku xigeenkii Badda ku dhex dilay Xafiiskisa 18-kii Bishii lasoo dhaafay.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay