Haweenay u hadashay waaxda arimaha dibada ee dalka Germalka ayaa waxay sheegtay inay aad uga walaacsan tahay xaalada wadanka gumaysiga Itoobiya ku sugan yahay.

Haweenaydan ayaa waxay ugu baaqday gumaysiga Itoobiya in gumaysiga Itoobiya uu ilaaliyo xuquuqda aadanaha ee dadka rayadka ah inta bay tiri lagu gudo jiro xukunka dag daga ah ee lagu soo rogay wadanka.

Waxaa kale oo ay sheegtay inay aad isha ugu hayaan xaalada wadanka uu ku sugan yahay sidoo kale ay aad usoo dhaway nayaan maxaabiisti dhawaan laga sii daayay Xabsiyada ee sida sharci darada ah loogu hayay xabsiyada kala duwan ee dalka.

Wadamada reer galbeed ee deeqda ugu badan siiya taliska woyaanaha ayaa aad u dhaliishan siyaasad xumada taliska woyaanaha kaasoo caado ka dhigtay cabudhinta dilka iyo xidhayga shucuubaha ku hoos nool xukunkiisa.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay