Kooxda Daacish ayaa sheegatay weerar lagu dilay 30 kamid ah maleeshiyaadka shiicada ee taageersan dowlada Ciraaq, weerarkaasi oo ka dhacay Gobalka Kirkuk ee waqooyiga dalkaasi.

Weerarkan ayaa ah kii ugu balaadhnaa oo ay kooxda ISIS ku qaado ciidamada dowlada Ciraaq tan iyo intii laga saaray magaalada Hawija ee Gobalka Kirkuk oo ahayd xaruntoodii ugu danbeysay ee dalkaasi Ciraaq.

Maleeshiyaadka Shiicada ee gacanta siinaya ciidamada dowlada ayaa la sheegay in jidgooyo loo dhigay xili ay marayeen duleedka magaalada Hawija Axadii lasoo dhaafay. ISIS ayaa Isniintii sheegatay in ay iyadu weerarkaasi fulisay, waxaana soo baxaya warar sheegaya in maleeshiyaadkaasi Daacish ay qoorta ka jareen in badan oo kamid ah askartii ay nolosha ku qabteen.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay