War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaarada Arimaha Dibada ee Imaaradka Carabta (UAE) ayaa waxaa looga digay  muwaadiniinta Imaaradka carabta in aysan u safrin Itoobiya kuwa ku sugan gudaha Itoobiya aysan tagin goobaha ay ka socdaan dibadbaxyada iyo mudaaharaadada.

Sidoo kale wasaarada ayaa intaas ku dartay inaan la saadaalin karin xaalada gumaysiga Itoobiya ku sugan yahay. Ma’aha wadankii ugu horeeyay ee qoraal noocan ah oo digniin ah soo saara ee waxaa soo saaray wadamo dhawr ah oo kale oo kamid yihiin Maraykanka, UK iyo Germalka.

Dhanka kale gudoomiyaha Midawga Afrika (AU) Moussa Faki Mahamat, Ayaa wuxuu sheegay inuu aad uga walaacsan yahay xaalada Itoobiya ku sugan tahay iyo sidoo kale xukunka deg degga ah ee lagu soo rogay dalka. Midawga Afrika ayaa waxay xaruntiisu ku taaladaa Magaalada Adiss Ababa ee Xarunta Gumaysiga Itoobiya.

Isku soo wada duuduuboo guud ahaan caalamka ayaa aad uga walaacsan xaalada kala yaaca ah ee soo wajah day xukuumada Woyaanaha ee gabalkeedu dhacay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay