Wararka naga soo gaadhaya gudaha Ogaadeniya gaar ahaana Magaalada Wardheer ee Xarunta gobolka Doolo ayaa waxay sheegayaan in gumaysiga Itoobiya ay ku rideen xukun 15 sano ah Gabdho aad u da yar oo ku xidhnaa Magaalada Wardheer.

Gabdhahan ayaa waxaa nasoo gaadhaya qaar kamida magacyadooda iyo da’da ay jiraan waxaana naloogu sheegay inay yihiin 16 ilaa 18 jir inta u dhaxaysa.

Gabdhahan ayaa waxaa naloogu sheegay magacyadooda Mulki Mohamed Xassan, Ina Cabdi Ciise iyo Xassan Gofadhe Cabdi Hoori maahan markii koobaad ee ciidanka woyaanaha iyo kooxaha wax magaratada ah ee ay ku adeegtaan ay sidan oo kale u dhaqmaan waase mid dhaqan u ah oo si maalinle ah ugu dhacda shacabka Ogaadeniya oo dhan.

Waxaan ilaahay uga baryaynaa guud ahaanba shacabka Ogaadeniya inuu ka dulqaado gumaysiga sidoo kale uu sii daayo inta sida cadaalad darada ah ugu xidhan xabsiyada Woyaanaha.

ONA/Wardheer.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay