Taniyo intii xaalka Gumaysiga Itoobiya faraha ka baxay waxaa halkoodii kasii socda khilaafka xoogan ee u dhaxeeya kooxda magac uyaalka ah ee loosoo gaabiyo EPRDF ayadoo la isku khilaafsan yahay cidii noqon lahayd Raysal wasaaraha Gumaysiga Itoobiya.

Maamulka Maqaarsaarka ah ee Oromoda OPDO ayaa waxay u doorteen Dr. Abiy Ahmed, Gudoomiyaha ururka OPDO waxaana ku xigeen u noqon doona Lama Magersa sidoo kale hadii Raisal wasaare loo doorto Dr Abiy Ahmed ayaa wuxuu noqon doonaa Gudoomiyaha waxa loogu yeedho EPRDF ee magac u yaalka ah.

Xukuumada Woyaanaha ayaa waxaa u dhaxeeya khilaaf xoogan oo aad u badan waxaana la isku haystaa cidii Maamulka qaban lahayd.

Raisal-wasaarihii hore ee Gumaysiga Itoobiya Hailamariam Dessaleign ayaa isu casilay culays siyaasadeed oo aad u badan kadib markii guud ahaan ba xukuumada woyaanaha ay ku fashilantay in kacdoonka ay xal u helaan.

Wararkan iyo waxa kasoo kordha kala soco ONA haduu ilaahay yiraahdo.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay