Soomaliya ayaa mar kale 11 sano ee is xigtay kaalinta 1aad ka gashay qiimeynta wadamada ku caanbaxay musuqmaasuqa kaddib warbixin ay soo saartay hay’adda Transparency International.

Liiska ay hay’addu soo saartay ee dalalka ugu musuqa badan dunida waxaa kaalinta 1aad kaga jira Soomaaliya. Liiskan sannadlaha ah ayaa dhinacyada uu qiimaynta ka eego waxaa ka mid ah laaluushka iyo madaxda iyo xukuumadaha oo aan lagu ciqaabin musuq maasuqa.

Soomaaliya iyo Suudaanta Koonfureed ayaa warbixinta lagu sheegay in ay yihiin dalalka ugu Musuq maasuqa badnaa Sanadkii lasoo dhaafay , waxaana la siiyay dhibco dhan ah 9 oo Soomaaliya ah iyo 12 oo ah Sudanta Koonfureed. Is barbar dhig lagu sameeyay Soomaaliya sanadkii 2016-ka iyo sanadkan aynu ku jirno ee 2018-ka Soomaaliya waxaa muuqata in 10 dhibcood ay hoos uga sii dhacday halkii ay markii hore joogtay.

Ma jirin dal helay dhammaan boqolka dhibcood, waxaase 89 helay dalka New Zealand, halka Finland iyo Denmark ay heleen 88 iyo 85 , kuwaas oo ah dalalka ugu musuq maasuqa yar yahay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay