War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaarada Arimaha Dibada ee wadanka Swedan ayaa waxaa lagu sheegay in aad uga walaacsan yihiin xaalada guracan ee uu ku sugan yahay Gumaysiga Itoobiya sidoo kale Mudaaharaadada iyo Kacdoonada ay wadaan shacabku.

Margot Wallstrom oo ah Wasiirada Arimaha Dibada Swedan ayaa sheegtay in xukunkii deg degga ahaa ee ay xukuumada woyaanahu soo rogtay saamayn ku yeelan doono xuquuq aadanaha, xoriyatul qawlka iyo isu socodka bulshada dhex deeda.

Maahan wadankii 1aad ee qoraal kasoo saara xaalada cakiran ee Gumaysiga Itoobiya ee waxaa sidoo kale walaac badan ka qaba bur bur soo wajahaya xukuumada woyaanaha wadamada deeqda ugu badan siiya Gumaysiga Itoobiya ee uu kamid yahay wadanka Maraykanku.

Gumaysiga Itoobiya ayaa wuxuu garan la’yahay sidii uu usoo afjari lahaa kacdoonkan lagaga soo horjeedo xukunkiisa asagoo adeegsan haya awood ciidan ayaa wuxuu rabaa inuu xoog kusoo afjaro kacdoonka uu shacabku wado.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay