Maanta oo ahayd maalin Jumce ah taariikhduna ku beeg nayd 23/02/2018  waxaa magalada sanca ee wadanka Yamen ka dhacday xaflad lagu xusaayay maalinta xasuuq ogadeniya oo ay soo qaban qaabiyeen jaaliyada Ogaadeniya ee wadanka Yamen iyo ururka dhalinyarada Ogaadeniya OYSU.

Xafladan ayaa waxay bilaabtay sacadu markay ahayd 3:00 galabnimo waxayna soga gabowday 7:00 makhribnimo xiliga geeska Afrika xafladan waxa lagu furay aayadaha qur’aanka ka kariimka ah waxaan soo jeediyay fadiilatul sheikh Mohammed cabdullahi, Intaasi kadib waxa xaflada furay xoghayahay ururka dhalinyarada OYSU faraciisa dalka Yemen halgame Mohamed cabdullahi Abdi
Oo halkaasi ka sojeediyaya qudbad dheer oo dhaxalgal ah iyo xasuuqii loo gaystay shacabka Ogaadeniya 1994 tii.

waxaa sidoo kale lagu sodhaweeyay Halgame Luqmaan oo ah xidhiidhiyaha jaaliyada Ogaadeniya ee Wadanka Yemen oo kawar bixiyay taariikhda halganka iyo marxaladihii uu halganku soo maray.

Gudomiyaha Jaaliyada Ogaadeniya ee Yemen mudane Halgame sheikh Mohamed  halkaasi ka sojeediyaya qudbad dheer oo dhaxal gal ah  waxaa kale oo ka hadlay hogaanka abaabulka jaaliyada Yemen halgame Farxaan Cabdullahi Collhaye oo halkaasi ka soo jeediyay hadal qiimo leh.

Waxaa kale oo shirka suugaan halgameed qiimo badan kusoo bandhigay kooxda fanka ee Horseed Qaran oo suugaan tooda ku cabiraayay xasuuqa iyo shacabka Gumaysigu ku hayo shacabkeena.

Isku soo wada duuboo waxaa shirkaasi kahadlay xubno badan oo kaadirka jaaliyada Yemen ka mid ahaa waxayna dhamantoodba kawada hadleen inta badan xasuuqii shacabkeena loo gaystay

Xaflada ayaa gaba gabadii kusoo dhamaatay si guul ah waxaana lagusoo xidhay jawi dagan.

ONA/Leyla Ali Oysu.
Sanca Yemen.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay