Mareykanka ayaa sheegtay in ay ku dileen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab duqeyn 21kii bishan ka dhacday Tuulada Bangeeni oo 8 KM dhinaca galbeed kaga beegan degmada Jamaame ee gobbolka Jubbada Hoose.

War qoraal ah oo ka soo baxay taliska Mareykanka Africa ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in ciidamada militariga Mareykanka ay duqeyntaasi ku dileen Saddax ka mid ah ah dagaalyahanada Al-shabaab.

“Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee ay wateen ciidamadeena ayaa waxa ay duqeyn ka fuliyeen meel ku dhow degmada Jamaame, waxayna ku dileen Saddex ka tirsanaa Al-shabaab, dad shacab ah Howlgalka khasaare laguma gaarsiin” ayaa lagu yiri Qoraalka (AFRICOM).

Isniintii aynu soo dhaafay todobaadkii hore ayeey aheyd markii duqeyn dhismasho sababtay Mareykanku ka fuliyay degmada Jillib ee gobolka Jubbada hoose.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay