Ciidamada Gumaysiga Itoobiya ee loo yaqaano Faderalka Police ayaa waxaa lasoo daristay daryeel la’aan iyo mushaarka oo aysan qaadan bilooyinkii ugu danbaysay waxaana shaqada askarinimada iskaga tagay in badan oo kamid ahaan jiray police faderalka kadib markii ay ku dhacday daryeel la’aan.

Gumaysiga Itoobiya ayaa wuxuu la daalaa dhacayaa kacdoono khilaaf iyo waliba shacabka ku hoos jira xukuumada woyaanaha oo kasoo hor jeeda xukunkooda guracan oo ku salaysan xasuuqa, xidhayga iyo dilka.

Ciidanka Shaqada iskaga tagay ayaa waxay sheegayaan inay jiraan khilaaf xoogan oo u dhaxeeya xukuumada Woyaanaha kaasoo ku salaysan hab qabiil iyo mid qoomiyadeed ayadoo ay adag tahay in xukuumada woyaanaha ay kusii amar ku taag layso qoomiyadaha ku hoos jira xukun kooda.

Xiliga ay ciidanka kala cararayaan ayaa waxay ku beegmatay xili wadanka lagu soo rogay xukun deg deg ah ayadoo la isku dayayo in xoog lagu maquuniyo kacdoon wadayaasha iyo shacabka mudaaharaadka wada.

Wixii kasoo kordha kala soco wararkaanaga danbe.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay