Waxa naso gaadhay faahfaahinta daggaalo dhexmaray ciidamada JWXO iyo kuwa gumeysiga Ethiopia. daggaaladan ayaa marka ay dhacaan waxa ONA isku daydaa in isku dhac kasta oo Ogadeniya ka dhacay inay isaga oo taarikhaysan ay soo gudbiso. Wariyaasha Gudaha Ogadeniya ONA u jooga ayaa hadaba nasoo gaadhsiiyay dhacdooyinkan hoose oo cidamada Tigreega waxyeelo lagu gaadhsiyay deegaamo kala gadisan oo katirsan Ogadeniya.Dagaaladan ayaa dhacay tobanki maalmood ee u danbeysay bishii Febraayo ee 2012.

18/02/2012 Haar garawo isku dhac ku dhexmaray halkaasi CJWXO iyo ciidamo uu lahaa gumaysigu ayaa waxaa halkaasi lagaga dilay Askarta Gumaysiga 2 askari waxaana laga dhaawacay 3 kale

 

23/02/2012 Deegaan aan Tuulada Caado aad uga fogayn dagaal ka dhacay ayaa waxaa askarta daalan ee Ethiopia lagaga dilay 2 Askari halka dhaawacuna uu yahay 3 kale

23/02/2012 Wuxuu dagaal ka dhacay Kabdhaale oo qabri bayax udhow dagaalkaas wax faafaahin ah lagama hayo

 

24/02/2012 Deegaanka Tayin oo udhow Magaalada Qabridahare dagaal ka dhacay waxaa Askarta naf lacaariga ah ee gumaysiga madow lagaga dilay 4 Askari waxaa sidoo klae lagaga dhaawacay 6 kale

 

24/02/2012 wuxuu isna dagaal ka dhacay Dhiita oo awaare udhaw wax faahfaahin ah lagamahayo

 

Isla taarikhdaas Luqma Goroyaale oo udhow awaare dagaal isna ka dhacay faafaahin lagama hayo

 

25/02/2012 cutub katirsan CWXO ayaa waxay dagaal mir ah ku qaadeen gudaha Magaalada wardheer dagaalkaas mirta ah ayaa waxaa cadowga kasoo gaadhay khasaare aan wali lafaafaahin

 

26/02/12 Magaalad Caado waxaa lagu miray askar gumaysi oo halkaa joogay waxaana lagaadhsiiyey khasaare aan faafaahintiisa lahayn.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay