Waxaa maalintiisii koobaad si guul ah kusoo dhamaaday shirwaynihii mucaaradka Itoobiya ka socday magaalada London shirkan ayaa waxaa kasoo qayb galay ururo badan oo kamida mucaaradka Itoobiya sidoo kale waxaa kasoo qayb galay aqoon yahano profophosero iyo wariye yaal caalami ah.

Shirka ayaa waxaa soo qaban qaabiyay ururada ku bahoobay PAFD Isbahaysiga Shucuubta Xoriyada iyo Dimuqraadiyada waxaana lagu gorfayn naayay xaalada qalafsan ee gumaysiga Itoobiya ku sugan yahay.

Shirkan ayaa waxaa furay gudoomiyaha JWXO Halgame Admiral Mohamed Omar Osmaan oo ah Gudoomiye ku Xigeen is bahaysiga PAFD oo ka jeediyay qudbad dheer, waxaa sidoo kale ka hadlay dad aad u badan waxaana kamida ahaa Ms Juli Ward oo ka tirsan baaralamaanka Midawga Europe,Ambassador Herman Cohen, Dr. M Ugas,Mr. Graham Peeles & Ismaciil M Ismaaciil.

Waxaa kale ka hadlay ururada bulshada sida ururka dhalinyarada ururada Haweenka iyo ururka OPRO(Ogaden People’s Rights Orgnisation) Shirka ayaa waxaa aad loogu garfeeyay xaalada gumaysiga Itoobiya ku sugan yahay ayadoo maalintii koobaad si guul ah kusoo dhamaaday waxaana shirku halkiisii kasii socon doonaa hadii ilaahay yidhaahdo maalinta bari ah.

ONA/London.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay