Wararka naga soo gaadhaya Oromia ayaa waxay sheegayaan in dad shacab ah lagu xasuuqay meesha lagu magacaabo Dambi Dollo oo kamida gobolka Oromada, dadkan shacabka ah ee la laayay ayaa waxaa lagu sheegay tiradooda lix qof oo dhalinyaro ah.

Tan iyo intii ciidamada Woyaanaha ay wadankan kusoo rogeen xukunka deg deg ah ayaa waxaa la saaray culays adag dadkii shacab ka ahaa waxaana la dilayaa oo la xidhayaa cid walba oo mudaaharaad kaga soo horjeeda xukuumada woyaanaha. Ciidamada Woyaanaha ayaa waxay adeegsanayaan si xoog ah inay ku joojiyaan mudaaharaadada iyo kacdoonada lagaga soo horjeedo ee lagu diidan yahay xukunkooda macangaga ah.

Shacabka Oromada iyo Axmaarada ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay waxay bilaabeen inay faaruqiyaan magaalooyinka oo aan la furin wax maherad ganacsi ah iyo isu socod dhanka magaalada ah ayagoo ku cadaadinaya xukuumada woyaanaha xasuuqa ay ku hayso shucuubta dulman ee ku hoos nool.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay