Waxaa shir abaabul ah isugu yimaaday Jaaliyada Ogaadeniya ee wadanka Norway waxaana kasoo qayb galay bulshada Soomaalida Ogaadeniya qaybaheeda kala duwan ee ku dhaqan wadanka Norway shirka ayaa waxaa sidii caadada inoo ahayd lagu fur furay aayado quraanka kariim ka ah iyo wacdi diini ah waxaana soo jeediyay sheekh Abdi wali Garaad, intaas kadib waxaa shirka lagu daah furay heestii calanka Ogaadeniya.

Shirka ayaa waxaa furay gudoomiyaha Jaaliyada Ogaadeniya wadanka Norway mudane Khaliif Abdi Ali oo ka waramay xaalada Jaaliyada ee mudooyinkii ugu danbeeyay sido kale ka war bixiyay wax yaalihii u qabsoo may jaaliyada.

Shirka maanta oo ahaa mid abaabul iyo kala war qaadasho ah ayaa waxaa khadka taleefanka kaga qayb galay Hogaanka Abaabulka & Arimaha Jaaliyaadka Mudane Mahamed Rashiid Sheekh Abdulaahi oo ka war bixiyay xaalada guud ee gumaysiga Itoobiya sidoo kale hardanka siyaasadeed ee u dhaxeeya shacabka gobonimo doonka ah ee soomalida Ogaadeniya ee JWXO hormuudka u tahay iyo gumaysatada Itoobiya.

Shirka ayaa gabagabadii wuxuu kusoo dhamaaday si guul ah waxaana lagu soo xidhay aayado quraanka kariimka ah.

ONA/Oslo.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay