Ururrada mucaaradka Itoobiya ayaa maalintii labaad ka socda magaalada London ee waddanka UK. Kulankan oo lagaga tashanayo sidii la isugu soo dhawayn lahaa aragtida ururrada kala duwan ee mucaaradka ku ah xukuumadda gumaysiga Itoobiya ee TPLF ay gadh-wadeenka ka tahay, waxaa soo qabanqaabiyay Isbahaysiga PAFD, oo JWXO ay xubin ka tahay.

Kulanka maanta waa mid ay albaabadu u xidhan yihiin, waxaana ka qayb galaya madaxda Ururrada mucaaradka ah oo kaliya, waxaana ka mid ah arrimaha lagaga hadlayo sidii loo dejin lahaa barnaamij siyaasadeed oo lagu wadashaqyn karo, isla markaana lagaga gudbi karo xaaladda kala-guurka ah ee Itoobiya ay gashay.

Isbahaysiga PAFD, oo kulankan soo qabanqaabiyay, wuxuu ka kooban yahay Ururro matalaya dadyowga Itoobiya ku hoos-dulman ee u halgamaya sidii ay aaya-ka-talin buuxda dadkooda u gaadhsiin lahaayeen, wuxuuna kulanka ka filayaa inay ka soo baxaan qorshayaal siyaasadeed oo lagu higsan karo himilooyinka shucuubta ay matalayaan.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay