Waxaa kulankoodii bilaha ahaa isugu yimaaday jaaliyada Soomaalida Ogaadeniya ee wadanka koonfur Afrika gaar ahaana faraca Johanesburg shirkan oo ahaa mid abaabul iyo kala war qaadasho ah ayaa waxaa kasoo qayb galay xubnaha Jaaliyada Ogadeniya ee Johannesburg.

Shirka aya waxaa furay gudoomiyaha jaaliyada Ogaadeniya ee wadanka Koonfur Afrika Mudane Mohamed Daahir kaasoo kasoo jeediyay qudbad uu ugu xog waramaayay xubnaha.

Shirkan ayaa waxaa looga hadlay xaalada guud ee gumaysiga Itoobiya ku sugan yahay kacdoonada iyo waliba xaalada kala guurka ah ee uu maanta ku sugan yahay gumaysiga wakhtigiisii dhacay ee TPLF, sidoo kale waxaa looga hadlay oo war bixin laga siiyay xubnaha wadahadaladii dhawaan ku dhexmaray ONLF iyo gumaysiga Itoobiya wadanka Kenya.

Waxaa kale oo shirka ka hadlay xubno dhawr ah waxaana lagu balamay in heer yada gumaysiga madaw dhan la isaga qaado sidoo kale na loo midoobi gumaysiga madaw ee Itoobiya.

ONA/Johannesburg.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay