Jaaliyada soomaalida ogaadeeniya ee magaalada Edmonton ayaa shir aad muhiim u ah oo loogu baroordiiqayo xasuuqii loo gaystay shacabka Soomaalida ogaadeeniya isugu yimid maalinimadii shalay.

Shirka waxaa furay gudoomiyaha jaaliyada mudane faarax Mursal oo halkaa ka soo jeediyey hadal aad u qiimo badan iyo wax qabadkii jaaliyadaba isagoo ku dheeraaday sidii loola jaan qaadi lahaa isbedelda cusub ee siyaadadeed ee bariga Afrika gaar ahaan xaaladan jaahwareersan ee ka socota Itoobiya ishana si gaara loogu hayo gaar ahaan dhulkeena.

Waxaa sidoo kale lagu soo dhaweeyey madashii shirka isuduwaha jaaliyadaha Ogadeniya ee Wadanka Canada c/xakiin weli wuxuuna halkaa si kooban ugu soo bandhigay taariikhdii xasuuqa ogaadeeniya oo uu ka soo bilaabay february 24/1994 ilaa maanta oo xasuuqii weli sidiisii u sii socdo isagoo wajiyo badan, xasuuqyadii kan ka horeeyey ee dawladii hore wuxuu ahaa mid qarsoon laakiin kani wuu ka duwanaa kuwii hore iyadoo aan loo aabo yeelin cidna maato iyo waayeel.

Si kastaba ha ahaatee waxaa halkaa loogu duceeyey shuhadadii iyo cid kasta oo waxyeelo ka soo gaadhay xasuuqa ogaadeeniya, shirkaa oo mid muhiimad gaar ah watay wuxuu ku soo dhamaaday jawi aad u wanaagsan.

ONA/Edmonton.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay