Shir aad u balaadhan oo ka socday magaalada  London intii u dhaxaysay 24-25 Feb. 2018 ayaa xalay is af garad ku soo dhamaaday.

Shirkan ayaa maalintii koobaad ahaa mid Jabhadahada, mucaaradka, aqoonyahanka, ururada bulshada iyo Diplomaasiyiin ay kaga arrinsanayeen  xaalada murugsan ee ka taagan wadanka Itoobiya oo bur-bur qarka u saaran.

Shalay oo ahayd maalintii labaad ee shirka  ayaa waxaa shir alaabaabadu u xidhnayahay yeeshay Jabhadahada &  mucaaradka Itoobiya.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qayb galay ururada ay magacyadoodu hoos ku qoranyihiin, waxaa kale oo jira  ururo kale dhanbaalo hambalyo ah shirka u so diray isla markaana ay cadeeyeen in ay taageesanyihiin go’aamada shirka ka soo baxa.

Afar Liberation Front Party,
Gmbella Regional Movement, Gambella Nilotes United Movement,
Oromo Parliamentarian Council,
Shekacho Peoples Movement for Democracy and Social Justice,
Tatek Ethiopia for Freedom, Democracy and Unity for Ethiopia,
Gambella Peoples Liberation Movement,
Sidama National Liberation Front,
Oromo Liberation Front,
Ogaden National Liberation Front
Benishangul Peoples Liberation Movement
Ethiopian Transitional Council.

Ergooyinkii shirka ka soo qaybgalay ayaa waxay soo bandhigeen qorshayaal ku aadan sidii xaalada murugsan ee wadanka ka taagan looga gudibi lahaa. Doodo  dhaadheer & falanqayn mudo badan qaatay  ayaa waxaa la isku afgrtay in dhinac la iska dhigo  xiligan xadirka aha waxyaabha lagu kala duwanyahay oo  xooga la saaro qodobada badan ee laga wada shaqayn karo sidii kooxda macangaga ah ee TPLF sida ugu dhakhasaha badan looga takhalusi lahaa.

Shirku waxa u si buuxda isugu raacay in la sameeyo qorshe (Road Map) lagu wajahayo  qaska siyaasadeed ee ka taagan Itoobiya xiligan xaadirka ah iyo mustaqbalkaba.

Waxa kale oo u shirku isku afgartay in  la dhiso gudi hawshan Istratijiyada ah ee la dajiyay sii wada.

Warsaxaafadeedka shirka kala soco ONA haddii Ebo yidhaahdo.

 

ONA/London 26-02-2018

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay