Maxkamad ku taala Ciraaq ayaa dil ku xukuntay shan iyo toban dumar ah oo Turki ah oo lagu eedeeyey in ay ka tirsanyihiin kooxda la baxday Dawladda Islaamka.

Maxkamaddu waxay sheegtay in la cadeeyey in dumarkaasi u dhaxeen rag ka tirsan kooxdaas oo ay taakulana siiyeen. Qaarkoodna waxay gacan ka gaysteen weerarro ay gaysteen ISIS. Dhawr dumar ah oo kale oo shisheeye ah ayaa mar hore iyagana dil lagu xukumay oo isla eedo kuwan lamid ah lagu oogay, kuwo kalena waxa lagu xukumay xabsi daa’im.

Boqolaal dumar shisheeye ah ayaa lagu qabtay Ciraaq intii uu socday dagaalkii ay dawladdu kula jirtay kooxda la baxday Dawladda Islaamka, waxaana haatan socota maxkamadayntooda. Ururada u dooda xuquuqda aadanaha ayaa dhaleeceeyey xukunnadaa ku dhacay haweenkaas iyo sidoo kale hanaanka garsoor ee la mariyey oo waxay ku tilmaameen mid aan caddaalad ahayn.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay