Waxaa wali halkiisii kasii socda mudaaharaadkii lagaga soo horjeeday xukuumada woyaanaha ee ka socday magaalada Naqemte ee Gobolka Oromada.

Mudaaharaadkan ayaa waxaa lagu diidan yahay xukunkii deg degga ahaa ee Gumaysiga Itoobiya kusoo rogay dalka oo dhan. Magaaladan ayaa kamid ah magaalooyinkii ugu horeeyay ee kacdoonka ka dhanka ah woyaanaha ay ka bilawdeen.

Ciidamada Gumaysiga Itoobiya ayaa waxay garan la’yihiin sidii ay u maarayn lahaayeen kacdoonkan ama ay wax uga qaban lahaayeen waxayna ku guulaysan la’yihiin qorshohoodii ahaa in wadanka lagu soo rogo xukunkii deg degga ahaa.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay