Waxaa lagu qabtay jaamacada University of Washington maalinta xasuuqa Ogaadeniya waxaana soo abaabulay ururka dhalinyarada iyo ardayda Ogadeniya OYSU faraciisa Seatle Washington, Munaasabadan lagu maamuusayay maalinta xasuuqa Ogaadeniya ayaa la qabta sanad walba bishan oo kale.

Waxaa goobta Jaamacada kasoo qayb galay oo joogay arday badan oo wax ka barata jaamacada waxaana halkaas qudbad ka jeedisay halganto Shukri Ibrahim oo ah xubin kamida ururka dhalinyarada OYSU waxay ka warantay maalinta xasuuqa Ogaadeniya, waxaa kale oo ay sharaxday su’aalo badana laga waydiiyay xasuuqa ay ciidamada Itoobiya ku hayaan shacabka Ogaadeniya.

Waxaa kale oo Munaasabada ka hadashay su’aalo badana laga waydiiyay gudoomiyaha ururka dhalinyarada OYSU faraciisa Seatle Washington Halganto Ilham Dakane oo ayaduna sidoo kale ka warantay dhacdada murugada leh ee ay maalintan oo kale xusaan guud ahaan shacabka Soomalida Ogaadeniya.

Maalinta Xasuuqa Ogaadeniya ayaa waxaa laga xusaa bishan oo kale dhamaanba daafaha caalamka waxaana lagu xasuustaa shacabkii uu gumaysiga sida xaqdarada ah u xasuuqay bishan oo kale 1994 tii.

ONA/Seatle.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay