Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Oromada ayaa waxay sheegayaan in uu sii balaadhan kacdoonka ay wadaan shacabka Oromada ee lagu diidanyahay xukuumada Woyaanaha, ayadoo aysan damin xaaladii mudaaharaadkii gacan ka hadalka ahaa ee ka socday Neqemte ayaa dhanka kale waxaa ka qarxay mudaaharaad kale oo sababay dhaawac meesha lagu magacaabo Dambi Dollo.

Mudaaharaadkan ayaa waxaa sida la xaqiijiyay lagu dhaawacay 7 qof oo shacab ah waxaana sidoo kale wali halkiisii ka socda kacdoonka lagu diidanyahay kooxda TPLF amarka ay soo rogtay ee ah xukunka deg degga ah.

Kacdoon wadayaasha Oromada ayaa waxay gabi ahaan ba kasoo horjeedaan xaalada deg degga ah ee dalka lagu soo rogay mana jiraan wax xukun deg deg ah oo ka dhaqan galay Gobolka Oromada.

Ciidamada Gumaysiga Itoobiya ayaa waxay garan la’yihiin sidii ay u maarayn lahaayeen kacdoonkan lagaga soo horjeedo xukunkooda macangaga ah ee wakhtigiisii dhamaaday.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay