Siraj Fegessa oo ah wasiir ku sheega Gaashaandhiga ciidanka Woyaanaha ayaa waxaa loo doortay gudoomiyaha xisbiga shucuubta koonfureed ee SEPDM, halka gudoomiyihii hore ee xisbigaas loo doortay gudoomiye ku xigeen.

Hadaba kooxda TPLF ee wakhtigeedii dhamaaday ayaa waxay qorshaynaysaa inay Ra’iisul-wasaare macmal ah ka dhigto Siraj Fegessa oo ay mudo wada shaqaynaayeen,

Guud ahaan kooxaha kamidka ah waxa loogu yeedhe EPRDF ayaa waxay kooxaysi iyo xusul duub ugu jiraa tartan cidii ka noqon lahayd ra’iisul-wasaare Gumaysiga Itoobiya, xisbi ku sheega Oromada ayaa waxay soo saareen D.r Abiye Ahmed Ali  halka xisbi ku sheega Axmaaraduna ay soo saareen Damake Mokenen kooxda TPLF oo ayadu kamid ah xisbi ku sheegan ayaad moodaa inay saaxada banaysay oo ayna cid na soo sharaxin dhankeeda.

Iskusoo wada duuduuboo qorsha TPLF ayaa wuxuu yahay inay samaysato raisal wasaare maqaar saar ah oo aan awood badan lahayn kaasoo ay ku fushadaan danahooda gaarka ah waxaana wararka soo baxayaa sheegayaan in kooxdan gabalkeedii dhacay ee TPLF ay wataan Siraj Fegessa.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay