War-Murtiyeed

Shirwaynihii Mucaaradka Itoobiya ee PAFD Ay Soo Qaban-qaabisay ee London Kadhacay.

February 25, 2018

Waxay ururradan siyaasadeed ee kala ah Afar Liberation Front, Gmbella Regional Movement, Gambella Nilotes United Movement, Oromo Parliamentarian Council, Shekacho Peoples Movement for Democracy and Social Justice, Tatek Ethiopia for Freedom, Democracy and Unity for Ethiopia, Member Organizations of PAFD (Gambella Peoples Liberation Movement, Sidama National Liberation Front, Oromo Liberation Front, Ogaden National Liberation Front and Benishangul Peoples Liberation Movement); ay ku shireen 24-25 bishan aan kujiro ee February 2018 magaalada London ee caasimada wadanka Ingiriiska.

Shirkan oo lagaga arinsanayay mustaqbalka xaalada murugsan ee ka taagan Itoobiya ayaa shiishka lagu saaray aadna loogu falanqeeyay arimo badan oo gundhig u noqon kara sidii looga hawlgali lahaa talaabooyinka ku haboon marxaladan cusub ee Itoobiya soo wajahday.

Wufuudii kala duwanaa ee shirkan ka qaybgalay ayaa shuruud la’aan isku raacay sida ay muhiim utahay in loo midoobo sidii mawqif midysan looga qaadan lahaa isla markaana looga hortagi lahaa dhibaatooyinka faraha badan ee kooxda TPLF/EPRDF ay ku hayso shucuubta ku hoos dulman ee ururadan ay matalaan.

Ka Qaybgaleyaashii kulankan labada bari socday ayaa isku raacay in la sameeyo guddi heer-sare ah oo laga soo xulay wufuudii shirkan iskugu yimid. Gudigan ayaa si  idaysan uga hawlgali doono sidii loo midayn lahaa hirgalinta qodobadii lagu heshiiyay intii uu shirku socday taas oo lagu sarqooyey qorshaha guud ee ururadu ay isla meel dhigeen si looga xoreeyo shucuubta ku hoos dulman taliska macangaga ah ee TPLF/EPRDF.

Gunaanadkii shirkan ayaa waxaa aas aas looga dhigay qodobo muhiim ah kuwaas oo kala ahaa:-

  1. In shuruud la’aan ay ururadan oo idil ay u wada shaqeeyaan si looga yool gaadho danta guud.
  2. Dhisida kalsooni, iskaashi, wada-shaqayn iyo xidhiidh joogta ah oo ururadan ay yeeshaan.

Sidaas awgeed, ayaa cambaarayn kulul dusha laga saaray dhibaatooyinka kala duwan sida xadhig wada-reedka, ciqaabta, dilka shacabka qaybihiisa kala duwan, iska horkeenka qawmiyadaha kala duwan, dhaca hantida shacabka ee loo adeegsanayo xeeladaha kala duwan iyo xaalada deg degga ah ee dalka lagu soo rogay, ku waas oo taliska TPLF/EPRDF uu kula kacay shucuubta dulman.

Waxaa kale oo loogu baaqay ciidanka qaranka iyo hay’adaha nabad-sugida in ay joojiyaan kana waansamaan xasuuqa ay ku hayaan shacabka, kana mid noqdaan dadaalka loogu jiro sidii looga bixi lahaa nidaamkan aan cadaalada iyo sinaanta ku salaysnayn ee awooda xad-dhaafka ah ee uu adeegsanayo taliska gabalkiisu dhacay ee TPLF/EPRDF.

Waxaa loogu baaqayaa dhamaan ururada siyaasadeed, hay’adaha kala duwan in shuruud la’aan ay u midoobaan si loo badbaadiyo shacabka dulman ee Itoobiya marxaladan kala guurka ah ee lagu jiro taasi oon la saadaalin karin meesha ay ku dambayn doonto.

Waxaa beesha caalamka, siyaasiyiinta wadamada reer galbeedka, hay’adaha xuquuqul insaanka u dooda iyo dhamaan caalamka oo idil loogu baaqayaa inay garab istaagaan sidii looga xorayn lahaa shacabka Itoobiya ee ku hoos dulman taliska macangaga ah ee ay majaraha u hayso kooxda TPLF/EPRDF.

 

February 24-25, 2018
London, UK

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay