Kacdoonadii ka socday gobolka Oromada ayaa wali kasii socda goobihii dhawaan la isku farasaaray ee ciidanka woyaanaha iyo kacdoon wadayaashu ay ku hardamayeen waxaa la soo sheegayaa in ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 9 qof rabshadihii ka socday Naqemte waxaana ku dhintay dad kale.

Waxaa kale oo wali ay kasii socdaan mudaaharaadyo iyo kacdoono lagaga soo horjeedo xukuumada woyaanaha magaalooyinka kala ah Danbi Dollo, Walaga, Naqemte iyo Jimma waxaana shacabka ku dhaqan magaalooyinkan ku ay si wayn uga soo horjeedeen xukunka deg degga ah ee ciidanka woyaanaha ay soo rogeen.

Dhanka kale ayadoo wali ay sii socdaan mudaaharaadada lagu diidanyahay ciidanka woyaanaha ayaa waxaa amar soo saaray kooxda TPLF ayadoo amar keeda ku sheegtay in cidii kacdoon wada oo dhan ay talaabo ka qaadi doonaan ayagoo biya dhaca hadalkan ka wada inay samayn doonaan xasuuq ayna u kala aabayeelaynin shacabka kacdoonka wada.

Iskusoo wada duuboo guud ahaanba xaalada Gumaysiga Itoobiya ayaa u muuqata mid in dhaha iskusii qabsatay sidoo kale kooxda TPLF ayaa isticmalaysay kaarkeedii ugu danbeeyay oo ah inay xoog ku xaliso xaalada murugsan ee ka jirta guud ahaan dalka oo dhan.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay