Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addiss Ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya ayaa waxay sheegayaan in ciidanka Woyaanaha oo dhawaanahan ay la soo daris tay dhaqaalo daro ay bilaabeen inay shacabka dhac iyo boob u gaystaan.

Ciidan Woyaanaha iyo sirdoonkooda ayaa waxay dadka u istaagayaan wadooyinka ayagoo baadhitaan ku samaynaya sidoo kalena ka qaadanaya dad wixii lacag ama taleefandmada ee ay ku arkaan. Ciidanka Woyaanaha ayaa waxay u muuqdaan kuwa u isticmaalaya dhaqaalihii dalka lagu maamuli lahaa dano iyo shirkado ay gaar u lee yihiin kooxda TPLF.

Ma’ahan markii 1aad ee dhaqan noocan oo kale ah lagu arko ciidanka woyaanaha balse waxay kamid tahay hab dhaqankooda joogtada ah oo ku dhisan inay shacabka u gaysteen dhac dil iyo kufsi in taba.

Guud ahaan xaalada magaalada Addiss Ababa iyo deegaanada ku xeeran ayaa waxaa soo buux dhaafiyay ciidamo aan qaadan mushaar wax mudo ah kuwaasi oo shacabka dhac u gaysanaya.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay