Maalinimadii maanta ahayd oo ay taariikhdu kubeegnayd 28/02/2018 waxaa xerada qoxootiga IFO Ee deegaanka Dhadhaab kaqabsoomay shirkii gudiga Faracyada gobolka waqooyi bari Kenya Ee jaaliyada JABSO.

shirka ayaa bilowday abaare 8:00am xiliga Dhadhaab waxaana kasoo qayb galay wufuud ka kala socotay dhamaan gudiyo matalayey faracyada gobolka woqooyi bari kenya Ee Jaaliyada JABSO sida Ifo, Xagardheere, Dhagaxlay, iyo Gaarissa.
waxaa sidoo kale kasoo qaybgalay madasha Marti sharaf kale oo kulanka lagu martiqaaday.

waxaa sidii caadada ahayd lagu furay shirka wacdi diini ah oo inta badan taabanayey alla kacabsiga, waajibnimada halganka xaqa ah iyo Samirka.
Qodobo dhowr ah ayaa shirka looga dooday waxaana falanqayn dheer kadib kasoo baxay go’aamo si wada jir ah laysugu raacay hoostana laga xariiqay in lafuliyo dhamaan go,aamada shirka.

Shirka gudiyada faracyada ee gobolka waqooyi bari kenya waa mid 3dii biloodba hal mar la qabto waxaana lagu dajiyaa qaab-shaqeedka faracyada ee mudada labada shir udhaxaysa waxaana lagu qiimeeyaa xaaladaha shaqo iyo marxaladaha lagu gudo jiro.

Shirka ayaa soo gabagaboobay 4:00pm ee galabnimo xiliga geeska afrika wuxuuna kusoo dhamaaday guul.

Abdullahi Calanside
ONA/Ifo.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay