Wararka naga soo gaadhaya gudaha magaalada Addiss Ababa ayaa waxay sheegayaan in ay ku yaraatay wadanka Itoobiya Lacagtii Adkayd, waxaana la sheegayaa in doolarku aad u qaaliyoobay.

Lacagtan adag ee dalka laga la’yahay ayaa waxaa sabab u ah dhaqaalaha woyaanaha oo bur bur ku imaaday, dhanka kale xukuumada Woyaanaha ayaa waxay dhintay lacagtii ay ku bixin jirtay safaaradaha ay ku lee dahay wadanka dibadiisa.

Guud ahaan ba xukuumada woyaanaha ayaa waxay ku jirtaa khal khal siyaasadeed oo aad u sareeya kaasoo sababay in uu shaqayn waayo kala amar qaadashadii iyo nidaamkii dawladnimo. Sidoo kale shacabka ku hoos nool xukuumada woyaanaha ayaa waxay la daalaa dhacayaan Sicir barar iyo noloshii oo ku qaaliyawday.

Wararkan iyo waxa kasoo kordha dib ayaan idiin kasoo gudbin doonaa kala soco ONA.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay