Wararka nasoo gaadhaya ayaa waxay sheegayaan in wali kooxda xukuumada Woyaanuhu ay isku khilaafsan yihiin cidii raysal wasaare wadanka ka noqon lahayd sidoo kale na uu jiro kala aragti duwanaansho aad u badan oo u dhaxaysa waxa loogu yeedho EPRDF.

Kooxda TPLF oo ayadu qorshaynaysa inay keensato shaqsi ay ku adeegato ayaa waxaa u suuro gali la damaceeda fog waxaana si wayn uga soo horjeeda Maamulka Oromada iyo Axmaarada.

Taliska Woyaanaha ayaa wuxuu ku dhawaaqay xukun dag daga kadib markii ay uu iscasilay raysal wasaare ku sheegii xukuumada Woyaanaha culuys kaga yimaaday qalalaasaha iyo kacdoonka wadanka ka socda ee ay wadaan qoomiyadaha ku hoos jira xukunka woyaanaha.

Si kastaba ha ahaatee waxaa la sugayaa xiliga lagu dhawaaqi doono raisal wasaaraha cusub ee uu gumaysigu yeelan doono ayadoo kooxaha isku haya kursiga uu mid walba dhankiisa u xusul duubayo sidii uu hogaamiye uga noqon lahaa Gumaysiga Itoobiya.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay