Waxaa kulan koodii caadiga ahaa isugu yimaaday ururka haweenka Ogaadeniya (UHO) faraca Magaalada Gaarisa waqooyi bari kenya, kulan kaas ayaa waxaa kasoo qayb galay qaybaha kala duwan ee hooyooyinka Ogaadeniya waxaana shir gudoomin hayay gudoomiyaha Ururka Haweenka Ogaadeniya Faraca Gaarisa Halganto Aamina Abdikariim sheekh Muuse.

Shirka ayaa waxaa Furay gudoomiyaha Jaaliyada Ogadeniya waqooyi bari kenya Halgame Sheekh Axmed Nuur oo marti ku ahaa shirkan wuxuuna ku furay sidii caadada inoo ahayd wacdi diini ah iyo aayado quraanka kariimka ah wuxuuna intaas raaciyay qudbad gaaban uu kaga waramay marxalada halganka iyo kaalinta ururka haweenka ay ku lee yihiin.

Shirka ayaa waxaa sidoo kale qudbad ka jeedisay gudoomiyaha ururka haweenka Halganto Aamino Abdikariim Sheekh oo ka warantay wixii u qabsoomay ururka haweenka mudadii labada shir u dhaxaysan iyo sidoo kale xaalada guud ee ururka haweenka gaar ahaana faracooda Magaalada Gaarisa.

Shirka ayaa waxaa lagu gorfeeyay wax yaalo badan waxaana la isku dhaaf saday fikiro iyo aragtiyo wax ku ool ah waxaana lagusoo gunaanaday jawi dagan ayadoo dhamaan ururka haweenka ay hoosta ka xariiqeen inay garab taagan yihiin halganka gobonimo doonka ah ee ay JWXO hormuudka u tahay.

ONA/Gaarisa.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay