Madaxweynaha dalka Afghanistan Ashraf Ghani ayaa Arbacadii soo saaray Bayaan ku socda Talibanka oo loogu baaqay wadahadal, wuxuuna Madaxweynuhu sheegay in uu kooxdaasi u aqoonsan doono Xisbi rasmi ah.

Hogaamiyaha Afghanistan oo khudbadiisa kasoo jeediyey shir Arbacadii ka furmay magaalada Kabul oo ay ka qeyb galayaan 25 wadan ee daneeyayaasha dalkaasi oo ka hadlaya xaalada Amniga iyo dib u heshiisiinta.

Waxaan diyaar u nahay in ay Talibanka noqdaan xisbi rasmi ah oo siyaasadeed, iyadoo aan wax shuruud ah lagu xidhi doonin ayuu yidhi Madaxweyne Ghani oo intaasi raaciyey in dowladiisa diyaar u tahay xabad joojin iyo waliba in ay siideyso maxaabiista kooxda Talibanka ee xabsiyadeeda ku jira.

Madaxweynaha Afghanistan ayaa sheegay in aan Talibanka lagu xidhi doonin wax shuruud ah sida in ay hubka dhigaan balse laga rabo in ay ku dhawaaqaan xabad joojin isla markaana aqbalaan heshiis rasmi ah oo ay la galaan dowlada.

Waa markii ugu horeysay oo uu baaq noocaan ah u diro Madaxweynaha Afghanistan kooxda Talibanka ee dowladiisa la dagaalmeysa, isagoo horey kooxdaasi ugu sheegi jiray Argagaxiso iyo Qas-wadayaal. Wuxuuna baaqiisa ku daray inuu diyaar u yahay in Dastuurka dalkaasi wax laga bedalo.

Hadalada Ghani ayaa sidoo kale kusoo beegmay xili dowlada Maraykanka ee taageerada siisa xukuumadiisa ay sheegtay inaysan wadahadal la geli doonin Talibanka inta ay sii wadaan weerarada.

Kooxda Talibanka weli jawaab kama bixin baaqii shalay kasoo baxay Dowlada Afghanistan. Kooxdaasi ayaa bilihii lasoo dhaafay dar dar gelisay dagaalka ay ka wado wadankaasi isla markaana la wareegtay deegaano badan oo ka tirsan gobalada dalkaasi.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay