Wararka haatan naga soo gaadhaya xarunta Gumaysiga Itoobiya ee magaalada Adiss Ababa ayaa sheegaya in Baarlamaan ku sheega Gumaysiga Itoobiya uu Maanta Ansixiyay xukun dag daga oo dalka lagusoo rogay kaasoo ka dhigan in dalka guud ahaan uu gali doono xaalad aan caadi ahayn.

Xukunkan dag daga ah ayaa waxaa laga yaabaa inay sabab u noqoto inuu wadanku galo xaalad adag taasoo cirka kusii shareerta Kacdoonadii ka socday Gobolada Axmaarada iyo Oromada ee lagaga soo horjeeday xukuumada woyaanaha iyo xukunkeeda dag daga ah.

Wararka ayaa intaas waxay kudarayaan in Ururka dhalinyarada Oromada ee Qeeroo ay ku dhawaaqeen guud ahaan ba mudaaharaad balaadhan in lagu qabto Gobolka Oromada.

Iskusoo wadaduuboo ma’aha markii koobaad ee dalka Itoobiya lagu soo rogo Xayiraad & Xukun dag dag ah, waxayna noqonaysaa markii Sadexaad ee Woyaanuhu Xukun adag kudhawaaqaan taniyo Sanadkii tagay ee 2017 waxaana marba marka kasii danbaysa xaalada guud ee Gumaysiga Itoobiya waxaana isha kuhayn doonaa Halka ay kudanbeeyaan.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay