Sida aan lawada soconay baarlamaan kusheega wayaanaha ayaa maalin nimadii shalay oo Jumce ahayd ansixiyay soojeedintii golaha wasiirada ee xukuumada wayaanaha ee ahayd in shacabka dhiigiisa labanaysto.

Gudoonka baarlamaanka wayaanaha ayaa fadhigii lagu ansixiyay xukunka dag daga ah kadib wuxuu tiradii sharciga haa ugu fartaagtay kudaray 59 xubnood oo aan kujirin tirada sooxaadirtay oo bilowgiiba lagu sheegay 441 xubnood, sidoo kale wuxuusan gudoonku soo hadal qaadin 88 xubnood oo diiday in sharcigan uu dhaqan galo.

Xubnaha baarlamaan kusheega wayaanaha ayaa lasheegayaa in ay si qasab ah ku ansixiyeen xaaladan dag daga ah ee wadanka lagu soo rogay, waxaana lasheegayaa in ciidanka sirdoonku ay shakhsi kasta oo baarlamaanka kamid ah lahadleen iyagoo usheegay in ay ansixiyaan sharcigan hadii kale ay jeebkooda katabi doonaan.

Dhinaca kale ansixintii sharci darada ahayd ee Addis Ababa kadhacday kadib waxaa gadood sameeyay dadwayne aad ubadan oo kasoo horjeeda xukunka xaaraanta ah ee ladoonayo indhiiga shacabka lagu xalaashado, waxaana qaybo wadanka kamid ah gil gilay kacdoono shacab oo aad uwaawayn.

Dadka shacabka ah ee kusugan galbeedka Gobolka Walaga ayaa lasheegayaa in ay isugu soo baxeen dibad baxyo aad uwaawayn iyagoo sheegay in xukunka mulatari ee wadanka lagaliyay uusan hakin doonin mowjadihii kacdoonada ahaa ee mudada dheer wadanka kasocday, waxaana lasheegayaa in magaalada Mindha ee Gobolka Walaga lagu dilay ugu yaraan 2 qof oo shacab ah.

Sidoo kale dadwayne aad ufara badan ayaa lagu soowaramayaa in ay isugu soo baxeen galbeedka Gobolka Shawa halkaas oo dadwaynuhu ay hakiyeen isusocodkii gaadiidka dadwaynaha iyo waliba guud ahaan xarakaadkii suuqyada magaalooyinka kajiray.

Ugu dambayntii xeeldheerayaal dhinaca siyaasada ah oo arimahan cakiran ee Itoobiya kafaalooday ayaa sheegay in xukunka dag daga ah ee wadanka lagu soo rogay uu soobiirinayo oo kaliya dil, dhac iyo jidh-dil, waxayna xeeldheerayaashu kutaliyeen in aduunku uu soo fara gashado arimaha Itoobiya.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay